Mashruucani waxa uu ujeedkiisu yahay in uu fududeeyo uuna hago habka ay kuwa bilaawga ahi u sameeyaan biirintooda koowaad. Haddii aad doonaysid inaad samayso biirintaada koowaad, raac talaabooyinka hoose.
Haddii ay kugu adagtahay in aad isticmaasho amarada shaashada madow(command line), halkaan ayaad ka heleysa cashirro la isticmalaayo GUI.
Haddii uusan git kugu jirin kombuyuutarkaaga, ku shubo.
Nuqul ka sameyso keydiyahaan adigoo gujinaya badhanka nuqulka ee kuyaal qeybta sare ee boggaan. Tani waxay koontadaada ku abuuri doontaa nuqulka keydiyahaan.
Si aad kumbuyuutarkaada ugu keydsato keydiyaha aad nuqulka ka sameysatay, marka hore tag koontadaada Github-ka, dooro keydiyaha nuqulka ah, guji badhanka code-ka, kadib ku dhufo sumadda sabuuradda si aad nuqul oga qaadatid.
Fur shaashada madow ee kombuyuutarkaaga kadibna fuli amaradaan git-ka ee hoos ku xusan:
` git clone "url you just copied" ``
"URL-ka aad hadda nuqulka ka sameysatay (iyada oo aan lahayn calaamadaha xigashada) waa url-ka kaydkan (Nuqulkaaga mashruucan). Eeg talaabooyinka kor ku xusan si aad u hesho url-ka.
Tusaale: git clone https://github.com/this-is-you/first-contributions.git
Halka "this-is-you" waa magacaaga github ku isticmaashid. halkan waxaad nuqul ka samayneysaa kaydka wax ku biirinta koowaad ee github kambayutarkaaga.
Abuur Laan U bedel keydiyaha ku keydsan kombuyuutarkaaga (haddi aadan hore ugu dhax jirin keydiyahaas).
cd first-contributions
Haadda abuur laan adigoo isticmaalaya amarka git checkout: git checkout -b your-new-branch-name Tusaale: git checkout -b add-alonzo-church